www.omarteacher.com
Wadanka Malawi ee dhaca koonfur bari ee qaarada Afrika ayaa dhawaan waxaa kasoo baxay sharci si weyn uga yaabiyay dadka, sharcigaas oo lagu mamnuucayo in lagu dhex dhuuso goobaha ay dadku ku badan yihiin sida Suuqyada, goobaha Basaska lagu sugo, Tareenada, shaneemadaha iyo dhamaan goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.
Wasiirka cadaaladda ee dalkaasi Malawi George Chaponda oo culeys kasoo wajahay sharcigaasi cusub dartii ayaa sheegay in la dambiyeynayo ruuxii goobaha bulshada ku dhex dhuuso.
Wuxuu wasiirku sheegay in sharcigani uu yahay mid soo jiray tan iyo sanadkii 1929-kii haseyeeshee aan la dhaqan gelinin.
Wasiirka Cadaalada ee dalkaasi Malawi oo la hadlayey barnaamij ka baxa radiyowga Caasimada Malawi “Straight Talk” ayaa ku sheegay inay tahay foolxumo wuxuuna weydiiyay: ” Ma faraxsanaan lahayd hadii aad arkeyso dadkii oo meel walba dhuusada ku deynayo.?”.
“Musqusha aad, hadii aad dareento inay dhuuso ku soo hayso”, ayuu sii raaciyay wasiirka George Chaponda.
Dadweynaha reer Malawi ayaa ku kala tagsan dhaqan gelida sharcigan iyadoo inta badan ay saadaalinayaan inaysan dhaqan geli doonin, halka kuwa kale ay sheegayaan inay tahy akhlaaq wanaagsan oo dadka tuseysa inay ka fogaadaan qasida hawada la neefsado kolka ay dadka meel isugu yimaadaan.
Read » Wadanka Malawi ee dhaca koonfur bari ee qaarada Afrika



Recent comments
Wow! So many things to do in
Hi, I think you can visit for
I think that this article can
You also have a nice
I was looking for wallpaper
I was looking for wallpaper
There's also a great website
Cool, thanks for the link!
Another neat article on
There are some really cool